Godoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasada deegaanka garasbaaleey oo La diley

Tuesday January 19, 2021 - 15:25:54
0 Comments
364
Nasteeh Bare
Qarax miino oo saaka ka dhacday agagaarka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday Guddoomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasadda ee deegaanka Garasbaley Cali Macalin.

Gaari uu la socday Guddoomiye kuxigeenka oo ay la saarnaayeen ilaalo ayaa lala eegtay qarax miino nawaaxiga Xabsiga Ciidanka Asluubta.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay uu ku jiro Guddoomiyihii dhalinyarada Garasbaaley C/rashiid Dubbad.

Qaraxyada miino ayaa ku soo badanayay muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, waxaana lala eegtaa gaadiidka mas’uuliyiinta iyo ciidamada la socdaan.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada miinooyinka ay ka geysato gudaha Muqdisho, waxaana habeen ka hor qarax miino lala eegtay gaari uu lahaa Wasiirka Beeraha, inkastoo aanu saarneyn xilligii qaraxa lala beegsanayay gaariga.


Related Items


Leave a comment