Bulshada Rayidka oo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka doorashada ka hor 8 February

Wednesday January 20, 2021 - 14:10:10
0 Comments
310
Nasteeh Bare
Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay inay waan waan ka dhex wadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashada.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Cusmaan Tahliil Shaatax ayaa sheegay in rajo ka qabaan in xal la gaaro ka hor 8 February, xilligaasoo ku eg muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

"waxaan dareensanahay bulshada rayidka oo dhex dhexaad ka ah arrimaha, inay howshooda sii wadaan, rajooyinka aan ka qabno waxaa in xal la gaaro ka hor 8 February, in laga shaqeeyo qodobada la isku haayo, gaar ahaan saddexda arrimood sida arrinta Guddiga, Somaliland iyo Gobolka Gedo”ayuu yiri Tahliil Shaatax.

Tahliil Shaatax ayaa sheegay inay ku baaqayaan in shir la isugu yimaado, oo ay qeyb ka noqdaan ururada bulshada rayidka, si ay go’aanada shirkaas ka soo baxaya ay fulintooda qeyb uga qaataan,

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in dalka ka dhacdo doorasho la aqbali karo, taas ay tahay midda ugu muhiimsan.

Is mari waaga ka taagan doorashada ayaa sabab u noqday in doorashadii Baarlamaanka ee sanadkii hore la qorsheeyay inuu dib u dhaco, isla markaana walaac badan uu soo kordho.

Related Items


Leave a comment