Biden iyo Kamala oo loo dhaariyey Madaxwayne iyo M/wayne ku xigeen

Wednesday January 20, 2021 - 21:10:15
0 Comments
1439
Super Admin
Maanta January 20, 2020, waxaa is rasmi ah loo dhaariyey Madaxwaynaha 46 lixaad ee Maraykanka Joseph R. Biden iyo Madaxwayne ku xigeenaka 48-aad ee Maraykanka Kamala Harris.

Dhaarintaan ayaa mid taariikh ah. Joseph Biden ayaa noqonaya Madawaynihii ugu da'waynaa ee qabta xafiiska Madaxwaynaha Maraykanka. Kamala Harris, waxay noqotay Madaxwayne kuxigeenkii ugu horeeysay taariikhda Maraykanka oo Dumar ah, sidoo kale Madaw ah oo hadana ah Hindi.  

Taariikhdaan cusub ee diiwaanka gashay maanta ayaa laga soo dhaweeyey guud ahaan caalamka gaar ahaan Maraykanka oo mudooyinkii danbe ay ka dhacayeen falal amni daro oo la xiriira doorasha looga guulaystay Madaxwayne Donald Trump.

Madaxayne Donald Trump oo xafiiska baneeyey ayaa isagu kasoo qayb galin xafladaan xil wareejinta iyo dhaarinta iskugu jirtay walow uu kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenkiisa Mike Pence.

Xafladda oo si live ah looga daawayayey TV caalamiga ee aduunka ayaan waxaa Madaxwayne Biden khudbadii ka mid ahaan inuu yiri " waxaan noqon doonaa Madaxwaynaha shacabka Maraykanka oo dhan" isagoo ula jeeday inay siyaasadii iyo loolankii doorashada ay dhamaatay oo wadanku u baahan yahay inuu kusoo laabto noloshadii caadiga ahayd ee isbadashay mudo xileedkii Madaxwayne Donald trump.

Sidoo kale, xilwareejinta iyo dhaarinta waxaa kasoo qayb galay Maxawaynayaashii hore oo Maraykanka oo kala ahaa Bill Clinton, George W. Bush iyo Barak Obama. 

Madaxwayne Biden Waxaa dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ee sare John Roberts sidoo kale Maxawane ku xigeenka Kamala Harris waxaa dhaarisay, Sonia Sotomayor, oo kamid ah sagaalka garsoore ee Maxkamada sare.

Madaxwayne Biden, waxaa horyaala shaqooyin badan oo kamid yihiin isku keenida shacabka Maraykanka oo kukala qaybsamay doorashadan iyo kala laabashada digreetooyin Madaxwayne oo horay u saxiixay Madaxwayne Trump taasoo ay kamid yahay MUSLIM BAN-KA ay Somalia kamid yahay.


-Meeraysane

Related Items


Leave a comment