Xoghayaha Warbahinta Aqal Cad ee Biden oo lahadashay warbahinta

Thursday January 21, 2021 - 05:37:14
0 Comments
1255
Super Admin
Xoghayaha cusub ee warbaahinta aqalka cad ee Maraykanka Pen Psaki ayaa qabatay kulenkeedii koowad kadib markii Madaxwayne Biden iyo Madaxwayne kuxigeen Kamala ladhaariyey saacado kahor.


Xoghaye Pen, ayaa ka warbixisay talaabooyinkii uu qaaday Madaxwayne Biden galinkii danbe manta dhaarintiisa ka dib. Waxay sheegtay inuu dib uga laatay ku dhawaad 15 digreeto Madaxwayne uu horay u saxiisay madaxwaynihii uu xilka kala wareegay. Digreetoyinkaas uu saxiisay waxaa ka mid ahaa:

 

1.     Inuu dub ugu laabtay heshiiskii Paris ee isbadalka cimilada

2.     Qaadida Xayiraadii saarnayd ilaa 8 wadan uu Muslim ah iyo kuwo kale

3.     Inuu joojiyey darbigii dheeraa ee laga dhisayey xuduuda Maxico

4.     Inuu dib ugu laabtay hay’ada caafimaadka aduunka (WHO)

5.     Inu wakhti dheer uu ku daray inaan dadka guryaha laga saarin inta Covid19 uu socdo

6.     Iyo kuwi kale c

 

Xoghaye Pen, waxay kaloo sheegtay In madaxwane Biden uu saxiixay digreeto amraysa in qof walba oo galaya dhismayaasha dawlada fedralka iyo goobaha dadwaynaha ay xirtaan Mask ama afduubka. Waxay sidoo kale sheegtay Xoghaye Pen, unuu Madaxwayne Biden ka codsaday dhamaan shacabwaynaha Maraykanka inay 100-ka maalmood ee ugu horeeya xukumadiisa ay xirtaan Maskiga ama afbuubka si loo xakameeyo faafida Virus-ka.

 

Xoghayaha Warbaahinta Aqalka Cad, Pen Psaki waxay sheegaty in Madaxwaynaha uu xooga saari doona maalmaha soo socda sidii Congresska ay asaxin lahaayeen xoghayaasha uu magacaabay wasaarada kala duwan ee xukumadiisa.

 

Madaxwayne Biden wuxuu telefonka kula hadli doonaa raysal wasaaraha Canada, Justin Trudeau maalinta Jimcaha ee soo socota. Wuxuuna noqon doonaa masuulkii ugu horeeyey uu kala xiriiro masuuliyiinta caalamka.

 

Xogyahay cusub Pen Psaki waxay u balan qaaday dhamaan warbaahinta kala duwan ee gudaha iyo caalamka in xafiiskeedu uu usoo gudbin doono war xaqiiqo ah oo ku dhisan run iyo sumcad iyo Sharaf.


-Meeraysane

Related Items


Leave a comment