Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka gargaarka dowlada federalka somaalia ayaa sheegtay in madaxwayne farmaajo uu kalsoonida shacabka haysto

Friday January 22, 2021 - 15:32:13
0 Comments
462
Nasteeh Bare
Wasiirka Gargaarka Dowlada Federalka Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in dib loo soo dooran doono maadaama uu yahay Madaxweyne wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo muddo dheer siyaasada dalka ku soo jirtey oo wareysi siisay taleefishinka Somali Cable ayaa si xoog leh u taageertay Madaxweynaha haatan xilkiisa toddobaadyo kooban ay ka harsan yihiin ee Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

"Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha kaliya oo aan hadda muddo xileedkiisa dhamaysan ay cadahay soo noqoshadiisa.”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye iyadoo intaasi sii raacisay inay habeen iyo maalin taageersan tahay oo ay u codeyn doonto Farmaajo haddii ay cod yeelato.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in uu kalsoonida shacabka haysto uuna wax badan qabtay isla markaana uu hormariyay dalka.

"Adeegyadii bulshada,dhaqalihii,ciidankii cadaaladii afartii sano ee la soo dhaafay guryo badan ayaa la soo celiyay,wadooyinka ayuu dhisay illaa Afgooye ayaa wadadii la dhisay.”ayay tiri Marwo Khadiijo.

Inkastoo ay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ay aad u taageertay Madaxweyne Farmaajo ayaa hase ahaatee waxaa weli khilaaf ka jira sidii loo qaban lahaa doorashada dalka iyadoo muddo kooban ay ka harsan tahay mudadii la qorsheeyay inay ku dhacdo doorashada dalka.

Related Items


Leave a comment