Ra'iisul Wasaare Rooble oo maanta ka qeyb galay Janaasadii Gudoomiyhii Degmada Hoda

Friday January 22, 2021 - 16:11:01
0 Comments
405
Nasteeh Bare
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay janaasadii iyo aaskii marxuumka ayaa waxa ay eebbe uga baryeen in uu marxuumka jannadii Firdows ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun ayaa habeen hore ku dhintay rasaas uu furay askari ka tirsan Booliska oo ku sugnaa kontrol ku yaalla isgoyska Howlwadaag, xili gaariga guddoomiyaha uu halkaas marayey

Related Items


Leave a comment