qarax ka dhacay goor dhow magaalada Muqdisho

Saturday January 23, 2021 - 14:53:03
0 Comments
366
Nasteeh Bare
Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay Beexaani ee degmada Shibis,magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasina geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaariga ay saarnaayee Xuseen Caraale iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba hore u soo noqday xildhibaano.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada siyaasi ay ku dhaawacmeen qaraxan balse ma aha war rasmi ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa qaraxan ku dhintey illaa saddex ka mid ah ilaalada labada siyaasi.Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya qaraxyada miinooyinka dhulka lagu aaso taasoo geysta qasaaro kala gedisan.


Related Items


Leave a comment