Degmada Raagge Ceelle ee gobolka Sh/dhexeo oo Alshabaab weerartay

Saturday January 23, 2021 - 15:14:17
0 Comments
360
Nasteeh Bare
Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay la wareegeen degmada Raagge Ceelle

Dagaal xoogan u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan kadib ayay gacanta u gashay degmada dagaalamayaasha Alshabaab.

Dagaalka ayaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse illaa iyo hadda ma jiro warar xaqiijinaya heerka uu gaarsiisan yahay. Isgaarsiinta degmada ayaa go’an iyadoo aan la kala ogeyn xaalada gudaha degmada Raagge Ceelle.

Baraha taageera Alshabaab ayaa daabacay in Alshabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay dib uga baxeen magaalada.

Raagge Ceelle ayaa qiyaastii 90Km dhanka waqooyi Bari uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ciidamada dowlada ayaa kala wareegay ALshabaab sanadkii 2014

Related Items


Leave a comment