Weriye caan ahaa oo geeriyooday isagoo da'diisu tahay 87

Sunday January 24, 2021 - 00:13:09
0 Comments
328
Nasteeh Bare
Larry King oo caan ka ahaa dalka Maraykanka ayaa geeriyooday isagoo da'diisu tahay 87 kadib markii uu haleelay cudurka Covid 19.

Larry ayaa ku geeriyooday gobolka Los Angeles, waxaana sida ay xaqiijisa shirkadda Ora Media oo uu kamid ahaa asaasayaasheeda uu ku geeriyooday isbitaalka Cedars-Sinai Medical Center.


Muddo 60 sano ayuu ku jiray mihnadda saxaafadda, 25 sanoo oo kamid ahna wuxuu u shaqeynayay warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka Intii uu saxaafadda ku jiray, Larry wuxuu wareystay shakhsiyaad caan ah sida hogaamiyeyaal siyaasadeed, jilayaal iyo ciyaartooy caan ka ah dunida.


Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa kusoo warramaya in Larry la dhigay isbital kadib markii uu ku dhacay feyraska corona. Larry ayaa la sheegay sanadihii dambe uu xanuunsanaa, marna laga qabtay wadnaha.


Larry King ayaa caan noqday toddobaatameeyadi, xilligaas oo uu kusoo caan baxay barnaamijkii la oran jiray "The Larry King Show”. Sanadihii 1985 ilaa 2010 wuxuu barnaamij daadihiye ka ahaa telefishenka CNN, waxaana labaatankii sano ee lasoo dhaafay uu maqaalo ku qori jiray wargyesyo uu kamid yahay USA Today.


Sanadihii dambe waxaa uu Larry barnaamijyo isaga loogu magac daray u ka qaban jiray telefisheno uu kamid yahay RT oo ah warbaahin ay leedahay dowladda Ruushka.

Related Items


Leave a comment