Wasiir Dubbe;"Waxaan ku qabanay boqol maxaabiis ah dagaalka Beled Xaawo

Monday January 25, 2021 - 13:37:10
0 Comments
421
Nasteeh Bare
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo Shir jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in Ciidmada Kenya iyo kuwo fallaago ah ay soo weerareen degmada Beledxaawo, iyaga oo doonayay inay la qabsadaan balse ay ciidamada dowlada ka hortageen

Cismaan Dubbe Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay guulo ka gaareen dagaalka, isla markaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kuwii soo weeraray sidoo kale ay dagaalka ku qabteen in ka badan 100 Maxaabiis ah.

"Kenya ayaa soo adeegsatay maleeshiyada jabhadda ah,laakiin badankood waxa ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada.”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa hase ahaatee diiday inuu ka jawaabo su’aal la weydiiyay oo ku saabsanayd askarta ay dowlada u dirtey dalka Eritrea.

Maamulka Jubbaland ayaa hore u sheegay inay la wareegeen inta badan magaalada BeledXaawo balse uu dagaalku weli socdo.

Illaa hadda ma jiro ilo madax banaan oo ka hadlaya xaalada magaalada Beled Xaawo iyadoo dhinac walba uu guulo ka sheeganayo.

Dagaalka ka bilowday xalay magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ku dhintey dad badan oo rayid ah kuwaasoo hoobiyaal iyo rasaas ugu tagtay guryahooda. Sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintey taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Beled Xaawo.

Related Items


Leave a comment