Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu fasaxday qaadka laga keeni jirey dalka Kenya

Monday January 25, 2021 - 23:30:46
0 Comments
342
Nasteeh Bare
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu fasaxday qaadka laga keeni jirey dalka Kenya hase yeeshee ku xirtey shuruud.


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jiraa’id qabtay ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ganacsatadu ay Qaadka ay soo degsan karaan, waxaana intaas uu ku daray in ganacsatada looga baahan yahay in ay maraan waddo sax ah, isagoo ganacsatada uu ugu baaqay in ay sifo sharci ah dalka kusoo galiyaan Qaadka.

"Waxaa cadeynayaa in Qaadka uusan cidna u xirneen oo meel walba oo dalka laga soo galin karo haddii waddo sharci ah loo soo maro”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu baaqay ganacsatada inay ka qaataan dowlada fasax ah soo dejinta qaadka ayna meel walba oo dalka ka soo dejin karaan haddii ay qaataan fasaxa ayna bixiyaan lacagaha canshuurta ku waajibtey.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore ugaga mamnuucday dalka keenista qaadka laga keeni jirey dalka Kenya. Hase ahaatee waxaa bedelay qaadka dalka Kenya qaad laga keeno dalka Itoobiya kaasoo laga isicmaali jirey bilihi la soo dhaafay dalka.

Related Items


Leave a comment