Jubbaland oo beeniyay in ciidamo ka tirsan Jubbaland lagu qabtay Beled xaawo

Monday January 25, 2021 - 23:36:39
0 Comments
335
Nasteeh Bare
Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay war uu sheegay wasiirka warfaafinta dowlada federalka oo ah in dagaal ka dhacay Beled Xaawo ay ku qabteen inku dhow boqol maxaabiis oo ah ciidamada Jubbaland.

 

Wareysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA ayuu Maxamuud Sayid Aadan ku eedeeyay dowlada federalka inay geysey Beledxaawo ciidamo aan dadka u tureyn kuwaasoo sababay dadka rayidka ah ee ku geeriyooday Beled Xaawo.

"Nin Wasiir ah oo dhahaya maxaabiis ayaan ku qabanay dagaal ka dhacay Beled Xaawo,waa caadadooda in baraha bulshada ay been ka buuxiyaan,wasiir ku faanaya maxaabiis inaan u jawaabo mustawaheyga ma ahan.”ayuu ku jawaabay Maxamuud Sayid mar la weydiiyay warka sheegaya in maxaabiis looga qabsaday magaalada Beled Xaawo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale beeniyay in ay dagaalka Beled Xaawo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Kenya.

"Dowlada Kenya deris ayaan nahay annaga dowlad goboleed ayaan nahay, dowlada federalka iyadaa masuul ka ah xiriirka wadamada deriska ah Kenyana ma joogto meesha.”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aden Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Magaalada Beled Xaawo ayaa xaaladeedu hadda degen tahay kadib markii ay istaageen dagaal ay dad badan ku dhinteen oo u dhexeeyay ciidamo daacad u ah dowlada federalka iyo ciidamada Maamulka Jubbaland.

Related Items


Leave a comment