Jen. Galaal oo ka mid noqday dadkii ku nafwaayey weerarkii hotel Afrik

Monday February 01, 2021 - 00:20:50
0 Comments
626
Nasteeh Bare
Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii iyo qaraxii lagu weeraray Hotelka Afrik ee ku yaalla nawaaxiga KM4, halkaasoo galabta ay weerareen Dabley ka tirsan Al-Shabaab.


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa xaqiijiyay geerida Jen. Galaal oo ka mid ahaa dadkii ku go’doonsanaa Hotelka markii uu weerarka bilowday.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Meydka Jen. Galaal lagu arkay gudaha Hotelka, waxaana uu ka mid noqday dad hotelka ku jiray oo ay toogteen dableydii hubeysneyd.

illaa iyo hadda ma jirto tiro rasmi ah oo la shaaciyay ee ku geeriyootau weerarka Hotelka Afrik, waxaana socda tirakoobka qasaaraha uu geystay weerarkaas, iyadoo la filayo in Booliska war ka soo saaraan

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Hotelka Afrik oo ka mid ah hotelada ugu caansan Muqdisho, weerar ku bilowday qaraxyo oo ay ku xigtay rasaas ay rag hubeysan gudaha ku galeen, waxaana dableyda weerartay ku labisnaayeen dareyska ciidanka.

Related Items


Leave a comment