Madaxweyne Farmaajo oo dalal shisheeye ku eedeeyay faragelin doorashada

Saturday February 06, 2021 - 20:17:45
0 Comments
454
Nasteeh Bare
Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta ka hor hadlayay xildhibaanada golaha shacabka, ayaa qiray iney jirto fara gelin shisheeye oo dalka lagu hayo.

Inkastoo aanu Madaxweynaha soo hadal qaadin dalalka faragelinta ku hayo Soomaaliya hadana waxa uu sheegay in waxyaabaha heshiiska looga gaari la’yahay ay qeyb ka tahay fara gelintaas shisheeye.

"Guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka xaqiiqatan waxaa ku jirta faragelin shisheeye, Aniga ma oranayo gobol hebel ayay ku badan tahay fargelinta. Laakiin xaqiiqatan faragelintaas ayay wax noogu hagaag la’ yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, ayaa hore dowladda Kenya ugu eedeeyay iney fara gelin toosa ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo si gaara loogu eedeynayay taageerada ay siiyaan madaxweynaha Jubaland oo dagaal siyaasadeed kala dhexeeyo Villa Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale khudbadiisii maanta ku sheegay ineysan dhici doonin firaaq dastuuri ah, xili laba maalin oo kaliya ay ka harsan tahay mudo xileedkiisa sharciga ah oo ku eg 8-da bishan oo Isniinta ah.

Related Items


Leave a comment