Sariflayaasha Gaalkacyo oo cabanaya diidmada Shilin Soomaaliga

Sunday February 14, 2021 - 23:40:30
0 Comments
497
Super Admin
Sariflayaasha
Sariflayaasha
Waxaa isa soo Taraya Cabashooyinka ka imaanaya bulshada gaar'ahaan Sariflayaasha kadib markii ladiiday lacagta shilin soomaaliga ah taas oo aan laga qaadanin magaalada galkacyo iyo Nawaaxigeeda.

Iyadoona Edeeynta lacagtaas loo jedinayo maamulka Puntland uu madaxda ka yahay Madaxweyne Siciid C/laahi Dani, kuwaas oo marar badan iska fogeyeen Eeda lacagtaas.

Mid ka mid ah sariflayaasha magaalada galkacyo oo ka gaabsaday magaciisa in lashaaciyo ayaa ku dheraaday ka hadalka lacagta shilin soomaaliya ah iyo sida dadku uugu baahan yihiin xiligan. 

Sariflaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dowlada Puntland ay ku mahadsantahay Gudiga aqoon yahanada ah oo ay u xilsaartay lacagta shilin soomaaliga ah, isagoona ku daray in loo baahan yahay xayiraad lagu soo Rogo shirkadaha isgaarsiinta gaar'ahaan kuwa lacagaha Electronic  ah waa sida uu hadalka u dhigaye.


Wariye Axmed Max'ed Rajaa

Related Items


Leave a comment