Mareykanka oo soo saaraya warbixin ku saabsan dilkii Jamal Kashuqji

Thursday February 25, 2021 - 13:35:02
0 Comments
487
Nasteeh Bare
Mareykanka ayaa daabacaya warbixin ku saabsan dilkii Wariyihii u dhashay Sacuudiga ee sanadkii 2018 si arxan darro ah loogu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee ku taal magaalada Istanbul.

Biden ayaa dhowaan sheegay inuu dib u qiimeyn doono xiriirka Mareykanka la leeyahay Sacuudiga, waxaana uu tilmaamay inuu xiriir toos ah oo la tacaamulid ah la yeelanayo Boqorka Da’da ah.


Warbixintan ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo Aqalka Cad uu shaaciyay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qorsheynayo inuu la hadlo Boqor Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis


Amiirka Dhaxalsugaha ah Mohamed Bin Salmaan ayaa si weyn loola xiriirinayay dilka Jamal Kashuqji. Balse Tan iyo markii uu xilka la wareegay Joe Biden ayaa waxaa la is weydiinayay sida uu noqon doono xiriirka Mohamed Bin Salaan iyo Mareykanka, waxaana Dhaxalsugaha uu wajahayay cambaareyn xooggan oo ahaa xadgudubyo ka dhan ah dhanka bani’aadanimada.


Related Items


Leave a comment