Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa aalada ZOOM-ka kulan gaar ah kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.

Sunday February 28, 2021 - 17:40:00
0 Comments
385
Nasteeh Bare
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa aalada fogaan aragga ee ZOOM-ka kulan gaar ah kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xusay in beesha caalamka ay soo dhoweysay shirkii dhowaan ra’iisul wasaaruhu la yeeshay Midowga Musharaxiinta.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020

"Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.”

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ra’iisul wasaaruhu u uqorsheynayo in uu ku casuumo madaxda maamul goboleedyada shir loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka.


Related Items


Leave a comment