Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu xukumay seddex sano oo xarig ah.

Monday March 01, 2021 - 18:13:54
0 Comments
339
Nasteeh Bare
Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu xukumay seddex sano oo xarig ah kadib markii lagu helay musuqmaasuq.

66 jirkan ayaa lagu helay dambi ah inuu isku dayay inuu laaluush siiyo garsoore isaga oo siiyay shaqo si uu uga helo macluumaad ku saabsan kiis dambiyeed kale oo ka dhan ah Sarkozy.


Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah oo lagu xukumo xabsi. Qaadiga iyo qareenki hore ee Sarkozy ayaa isku xukun lagu riday. Dhamaan seddexda eedeysane ayaa la filayaa inay racfaan qaataan.


Dacwad oogeyaashu waxay codsadeen in Sarkozy lagu xukumo afar sano oo xarig ah, kalabarna waa la laali doonaa.

Go’aankaas ayuu garsooraha magaalada Paris ku sheegay in Sarkozy uu sanad ku qaadan karo gurigiisa isagoo wata qalab elektaroonik ah, halkii uu xabsi geli lahaa,waxaana laga cafiyay labo sano.


Sarkozy waxaa lagu eedeeyay inuu si musuqmaasuq ah u musuq maasuqay ololihiisii madaxweynenimo ee 2012. Wuxuu madaxweyne ahaa ilaa 2007 – laakiin doorashadiisii ku celiska ahayd ee 2012 markale kuma guuleysan.

Related Items


Leave a comment