Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Gudoomiyaha Degmada Bosaaso

Thursday March 11, 2021 - 22:20:58
0 Comments
345
Meeraysane.com


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay  Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso. 


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.


Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.


Markuu tixgaliyay:Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.


Wuxuu xeeriyey:
1:Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.


2:Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.


Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.


Gudoomiyihii Hore ayaa xalay isaguna sheegay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayay degmada Boosaaso.


Madaxweyne Deni ayaa maanta kala kala diray golohii degaanka Degmada Boosaaso ee gobolka Bari.




Related Items


Leave a comment