Muqdisho waxaa wali ku sugan qaar kamid ah Madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya

Thursday March 18, 2021 - 12:50:45
0 Comments
605
Nasteeh Bare
Magaalada Muqdisho waxaa wali ku sugan qaar kamid ah Madaxda maamul gobaleedyada Soomaaliya kuwaas oo todobaadkii hore Muqdisho u yimid ka qayb-galka Shir ka dhacaya Xalane kaas oo Beesha caalamku qaban-qaabinayso.

War kasoo baxay goordhaweyd Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa lagu yidhi

 "Waxaan xusayaa inaan dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,,

Shirka ayaa ilaa hada aan la mudeyn wakhtiga rasmiga ah ee uu furmayo.

Warar soo baxayey maalmahan ayaa sheegaya sababta Shirku ilaa u cakiran yahay ay tahay in aysan ku qanacsaneyn goobta Shirka qaar kamid ah Madaxda Maamul gobaleedyada Iyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, wararka ayaa sheegaya in Maamulada Galmudug Iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ay diidan yihiin goobta ay doonayaan in Shirku ka dhaco Madaxda Maamulada Puntland Iyo Jubaland oo iyagu hore u dalbaday in Shirka lagu qabto goob Beesha caalamku maamusho si amniga iyo qodobada kasoo baxa shirkaba ay u damaanad qaado.

Waxaa baaqday Shir uu ilaa sadex jeer iskugu yeedhay Madaxda Maamul gobaleedyada Iyo Banaadir Madaxweyne Farmaajo iyadoo Shirkaas ay markasta diidayeen Madaxda Puntland Iyo Jubaland oo markii dambe Shuruud kaga dhigay Beesha caalamka oo baaqyo isdaba-joog ah u diraysay in Shirka lagu qabto goob ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hadheeyay khilaaf xooggan oo ka dhashay heshiisyo la isku raaci waayey taasoo hor seeday in doorashadu xiligeedii ku dhici weydo.

Related Items


Leave a comment