Baarlamaanka Federalka oo berri kulan yeelanaya

Saturday March 27, 2021 - 00:36:24
0 Comments
345
Nasteeh Bare
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinimada berri ah waxaa ay yeelan doonaan kulan la shaaciyay ajanhadihiisa.

Agendaha kulanka ayaa ah caabuqa Covid19, kaasi oo si weyn dalka u saameeyay, iyadoo ay jiraan Kiisas hor leh oo la diiwan galiyay.



Berri oo Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 27 March 2021 ayaana xildhibaanada lagu war galiyay in uu jiro kulan weynihii Golaha Shacabka, waxaana farriin loo diray dhaanba Xildhibaanada, iyadoo lagu war galiyay in 09:00 subaxnimo ay soo xaadiraan.


Bilihii la soo dhaafay ayaan Baarlamaanku kulmin waxaana haatan sii xoogeysanaya warar hoose oo sheegaya in Baarlamaanka laga yaabo in ajandihiisa la bedelo oo arrimo la xiriira doorashoyinka loogaga hadlo.


Related Items


Leave a comment