Allaha U Naxariisto Degmada Burtinle Waxaa Ku Geeriyooday Mid kamid Odoyaasha Soomaaliyeed

Saturday April 24, 2021 - 23:42:00
0 Comments
563
Meeraysane.com


Allaha u naxariistee Waxaa maanta degmada burtinle ku Geeriyooday Marxuum Axmed Cabdulle Qoodhi oo kamid ahaa odoyshaa Dalka gaar,ahaan kuwa Gobolka Nugaal.

Waxaana u timid tii Alle Samir iyo iimaan Alaha kasiiyo Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday, marxuumka ayaa ahaa Nin waayeel ah oo siweyn looga yaqaanay Dalka oo dhan.

Marxuumka ayaa ahaa Nin Lagu yaqaanay inuu ahaa Qof u dhaq dhaqaaqa Dhinaca Diinta Islaamka Waxaana uu dhisay masaajid iyo dugsi quraanka lagu barto oo ku yaala burtinle Isagoona taakuleeyn jiray masaakinta iyo dadka safarka ah.

Allaha u Naxariisto Marxuum Axmed Cabdulle Qoodhi ayaa lagu Xasuustaa inuu dhalay Suldaan Maxamed Axmed Cabdulle oo ah Suldaanka Guud ee Beesha Awrtable oo kamid ah beelaha dega geyiga soomaaliya gaar'ahaan degaanada puntland iyo Jubbland.

Sikastaba Ha,ahaatee Waxaa ka Tacsiyeeyay geeridaas dad magac ku leh bulshada soomaaliyeed sida culimo, isimo, Waxgarad, Odoyaal,Aqoonyahano & Xidhibaano isugu jira puntland iyo Dowlada Federalka soomaaliya.

Axmed max'ed Rajaa
Meeraysane.com
Gaalkacyo

Related Items


Leave a comment