Waxaa La soo gabagabeeyay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka

Saturday May 22, 2021 - 17:00:39
0 Comments
505
Nasteeh Bare
Waxaa La soo gabagabeeyay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka socday Teendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho

Shirka oo uu gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxana looga hadlay sidii loo wajihii xalka gaarista Arrrimaha doorashooyinka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxaa La sheegayaa inay gaareen isfaham,balse la sii ambaqaadi doono shirka maalinta berito oo Axad ah.

Shirkan oo hore loogu qorsheeyay inuu furmo Khamiistii aynuka soo gudubnay ayaa waxa uu dib ugu dhacay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo aan soo gaarin caasimada dalka.

Related Items


Leave a comment