Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Oo Gaaray Xarunta Galmudug Ee Samareeb

Thursday June 17, 2021 - 00:00:36
0 Comments
394
Dhuusamareeb

Wafuud ka socotay Beesha Caalamka ayaa maanta gaaray magaalada Samareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyagoona kulan kula qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.


Wafdigan Ayaa waxaa hoggaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan waxaa qeyb ka ahaa Wakiilada Midowga Africa, midowga yurub EU, iyo ururka IGAD.


Kulanka ayaa Lagu Gorfeynaayay intuu uu socday xaalada  dalka gaar'ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo fududeyn lahaa, waxaana la Tilmaamay in la isla gartay dardar gelinta howlaha ka harsan doorashooyinka dalka.


Wakiilada Beesha Caalamka ayaa madaxweynaha maamulka Galmudug u balan qaaday sida Laga xiganayo ilo wareedyo Ku dhaw madaxtooyada Galmudug, mashaariic laga fulin doono deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment