Maamulka Gobolka Mudug Puntland Oo Deeq Raashin Ah Ku Wareejiyay Galmudug

Thursday July 08, 2021 - 14:26:40
0 Comments
262
Galkacyo


Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada galkacyo ee Puntland ayaa maanta madaxda degmada galkacyo ee Galmudug ku wareejiyay raashin iyo shidaal loogu talagalay ciidamada Galmudug ee degaanka bacadweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug sanyare ayaa Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ku wareejinay caawimo Puntland ugu deeqday galmudug gaar,ahaan deeganada Bacaadwayne iyo Wisil.

Goobtii lagu soo bandhigay raashinkaas caawimada ah, ee loogu deeqay Maamulka galmudug waxaa goob joog ka ahaa madax ka kala tirsan maamulada puntland iyo galmudug oo deeqdaas lagu wareejiyay.

Axmed khada max'ed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment