Mohamed Kulmiye oo isku soo sharaxay Golaha Shacabka 11-aad

Thursday July 08, 2021 - 17:30:00
0 Comments
1336
Super Admin
Galkacyo Xaflad Qado sharaf ah isla markaana uu ku shaacinayey Musharaxnimadiisa #Dr_Mohamed_Hassan_Kulmiye oo ah murashax Xildhimaan Golaha Shacabka Dowlada Federalka Somalia Ayaa ka dhacday Hotel Aaran ee magalada galkacyo
Qadada kadib xildhimaanka ayaa holka hotelka kula hadlay boqolaal bulshadii soo Ajiibtay xafladaan waxuuna usheegay inuu doonayo ka mid noqoshada barlamaanka 11aad ee dhawaan Lasoo dooran doono kana codsaday inay ugu duceeyaan xilkaas hadii alle u dooro
Waxgarad waayeel dhalinyaro Haween ganacsato iyo dhamaanba bulshada Qaybaheeda kala duwan oo xafladaan ka hadlay ayaa dhamaantooda waxay usheegeen inay ku garab taaganyihiin isla markaana waxay ku bodaadiyeen xilkan uu isku soo taagay

Related Items


Leave a comment