Xulka Qaranka Argentina Oo Ku Guulaystay Copa America

Sunday July 11, 2021 - 14:01:09
0 Comments
1041
Super Admin
Argentina


Xulka Qaranka Argentina ayaa ku guulaystay koobka qaarada south America ee Coppa America. Ciyaartaan oo dhacday xalay July 11, 2021 ayaa waxay dhexmartay xulalka wadamada Brazil iyo Argentina’ iyadoo Brazil ay ahayd wadaka marti galinayey Koobkan.

 

Ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 0-1 oo ay guusha ku raacday wadanka Argentine goolka keliya ee guusha waxaa u dhaliyey Argentina laacibka Angel Di Maria oo daqiidadii 23-aad dhaliyey.

 

Laacibka weyn ee reer Argintine Lionel Messi ayaa waxay u noqonaysaa koobkii ugu horeeyey ee wadankiisa uu uqaado halka koobab badan uu u qaaday kooxdiisa Barcelona, Ciyaarta marka ay dhamaatay ayaa Messi ayaa farxad La ilmeeyay isagoo afka qabsaday.


Farxadaas ayaa laacibka waxaa La wadagay saaxibadiis iyo tababarayaasha Qarankooda, iyagoo si khaas ugu hambalyeynayey 34 jirkaan guusha wadankiisa u soo hoyiyay, Sidoo kale Messi ayaa ku guulaystay Laacabka ugu wanaagsanaa inta uu koobku socday iyo inuu ahaa gool dhaliyihii iyo caawiyihii ugu sareeyey.

 

Xulka kubada Cagta Dalka Argentine ayaa Cup-kan sugaysey 28-sano inay qaadaan wayna qadeen, waxayna ahayd markii ugu danbaysay oo ay qaaday 1993.

Related Items


Leave a comment