Talyaaniga oo ku guuleystey koobka Qaramada Yurub

Monday July 12, 2021 - 09:58:49
0 Comments
778
Nasteeh Bare
Dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1968 iyadoo goolhaye Gianluigi Donnarumma uu badbaadiyey labo rigoore oo England ah waxayna ku badiyeen 3-2.

Labada dhinacba waxay ku dhamaatay ciyaarta daqiiqadihii loogu talogalay barbaro 1-1 waqtiga dheeriga ah ciyaarta oo ka dhacday Wembley.


Goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma ayaa ka qabtay rigoorayaasha b Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ka dib markii Marcus Rashford uu birta garaacay, iyadoo Federico Bernardeschi, Leonardo Bonucci iyo Domenico Berardi ay dhamaantood goolal u dhaliyeen xulka Talyaaniga.


Luke Shaw ayaa u dhaliyay gool qurux badan xulkiisa ciyaarta oo socotay labo daqiiqo oo kaliya,siiyay riyo ah laakiin Italy ayaa goolka barbaraha keenstay daqiiqadii 67aad iyadoo uu u dhaliyay Bonucci.


Waxay ahayd finalkii ugu horeeyey ee lagu kala adkaado rigoorayaal tan iyo markii Czechoslovakia ay garaacday West Germany 1976 dhinaca kale Xulka England ayaan wax koob ah ku guuleysan tan iyo sanadkii 1966-dii oo uu ku guuleystey koobka adduunka.



Related Items


Leave a comment