Wasaarada Caafimaadka Puntland Oo Daah-furtay Talaalka Cudurka Dabaysha

Wednesday July 14, 2021 - 22:15:34
0 Comments
369
Garoowe

Maanta ayaa meelo badan oo kamid degaanada Puntland waxaa Ka bilowday Talaalka cudurka Dabaysha, kaas oo ay Wasaaradda ka gacan siinayso Hay’adda Caafimaadka aduunka ee World Health Organization.

Daah-furkii Talaalka ayaa ka dhacday dhamaan xarumaha Gobalada Puntland, iyadoona kooxo caafimaad oo wada agabkii tallaalka ay ka howlgaleen dhamaan deegaanada Puntland.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa labadii dhibcood ee talaalkaaa siiyey ilmihii ugu horeeyey ee talaalka qaata isagoo waalidiinta kula dardaarmay inay ilmahooda Talaalaan, maadama labo dhibcood oo talaalka dabaysha ah caruurtooda ka bad-baadin karto Naafanimada soo gaari lahayd.

Sidoo kale waxaa Xaafadaha magaalada Galkacyo Saakay howlaha Talaalka kawaday Shaqaalaha W/Caafimaadka kuwaasi oo si habsami leh u dabar gooynaayay Waxyeelada Cudurka badaysha.

Meeraysane. com

Related Items


Leave a comment