Tababar Magaalada Dhuusamareeb Loogu Soo Xiray Ciidamada Galmudug

Saturday July 17, 2021 - 13:30:25
0 Comments
371
Dhuusamareeb

Tababarkan ayaa ahaa mid 45- Cisho uga socday magaalada samareeb Ciidamada ka howlgala Saldhiga Booliska Caasimadda iyo Ciidamada Birmadka ah oo police qaybta Galgaduud ayaa la soo gaba gabeeyay.

Taliska Qaybta guud ee police-ka Galmudug oo agaasimey casharada la siinayay Saraakiisha iyo askarta ayaa xoogga saarey muddadii uu tababarku socdey, sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka loo xareeyay, iyo aqoon kordhin lagu baray shuruucda Police-ka Soomaaliyeed iyo xeerarka caalamiga ah, ee la dhaqanka bulshada xiliyada howl-galadu jiraan.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Gulaafe oo ahaa madaxa tababarada Ciidamada Galmudug ayaa ugu horeyn ka hadley xafladii Xiritaanka tababarka isagoo tilmaamay in tababarkan ay aqoon badan ka faa’iideysteen Ciidamada Galmudug.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment