Dadka Ka Ganacsada Maandoriyaha Jaadka Oo Ku Soon Badanaya Galkacyo

Saturday July 17, 2021 - 15:21:27
0 Comments
291
Galkacyo

Waxaa soo badanaya dadka ka ganacsada maandooriyaha jaadka hareeriga kaas oo siweyn looga cuno inta badan dalka soomaaliya madaama La joojiyay qaadka miroow dhamaadkii bishii maarso 2020.

Xiligaas ayaa dowlada federalka ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo ay hakisay dhamaan duulimaadyadii Caalamiga uuna ka mid ahaa Jaadka Kenya sababo looga hortaggayo fiditaanka feyraska Covid 19.

Jaadka hareeriga ayaa helay suuq islamarkaasna lasoo qurxiyay oo La yar yareeyay madaama uu meesha ka baxay jaadkii Kenya.

Sidoo kale waxaa la keenaa dalka qamri oo laga keeno dhinaca Ethiopia taas oo sababta tacshiirad ay isweydaarsadaan ciidamada maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka iibiya maandooriyahaas.

Isku Soo duu-duub Somaaliya ayaa ah Suuqa keliya oo ay Ku tartamaan Kenya iyo Ethiopia islamarkaasna Suuragal u Noqotay ka Ganacsiga Maandooriyaha jaadka kaas oo Caqabad Ku ah nolosha malaayin Somaali ah.

Axmed max'ed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment