Dad Safar Ahaa Oo Xalay Lagu Afduubtay Degaanka Tukaraq

Sunday July 18, 2021 - 15:38:51
0 Comments
310
Tukaraq

Habeenkii Xalay ahaa degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxaa laga af-duubay dad shacab ah oo ku safrayay wadadaasi

Lama oga Sababta ka danbeeysay lakiin ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in kooxo hubaysan ay gaari kala dageen dad shacab ah hayeshee lama soo sheegin halka ay La aadeen.

Qaar kamid ah dadka degaanka oo warbaahinta ay soo xigtay ayaa tilmaamay in af-duubkan uu xiriir La leeyahay kadib markii Somaliland ay xirtay nin siweyn looga yaqaanay magaalada laascanood iyo nawaaxigeeda.

Cabdikariin Cali Nuur ayaa Laascaanood lagu xiray kadib markii uu taageero u muujiyay madaxweyne dowlada federal mudane Farmaajo, sida wararku ay sheegayaan waxaa loo gudbiyay xabsiga Mandheer ee Somaliland.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment