Dhaq-dhaqaaq Aad U Sareeya Oo Laga Daremaayo Saylada Xoolaha Ee Magaalada Galkacyo

Monday July 19, 2021 - 13:25:32
0 Comments
432
Galkacyo


Dhaq-dhaqaaq aad u Sareeya ayaa laga dareemayaa saylada Xoolaha ee Magaalada Galkacyo gaar,ahaan kan lagu iibiyo ariga, madaama ay beri tahay ciidul adxaa sida ay inoo shegeen  ganacsada xoolaha galkacyo.

Sidoo kale qaar kamid ah dilaaleyda suuqa Ariga ee Galkacyo ayaa Aritaasi ka hadlay, iyagoo tilmaamay in iidka xoolaha uu aad uga hooseeyo sidii lagu yaqaanay cidiihii hore islamarkaasna qiimaha Ariga ayaa Gacanta hore ah $ 95-Halka gacan danbe uu yahay $75-dolar.

Ciidan ayaa ah ciidul Adxaa oo dadka xujayda ah ku sugan Xaramka Makka oo gudanaya waajibaadkaas mooyee islaamka intiisa kale waxaa suno Ku ah inay gooyracayaan ruuxii awooda sida Ku cad Axadiista Nabigeena CSW.

Sikastaba Hanoqotee Ciidul Adaxaa Ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo aysan shaqaynin lacagta shilinka soomaaliga guud ahaan degaanada maamulada galmudug iyo puntland islamarkaasna La isticmaalayo lacagaha la isugu diro Mobile-ka

Axmed max'ed Rajaa
Meeraysane.com 
Galkacyo

Related Items


Leave a comment