Dad Fara Badan Oo Salaadii Ciidul Adxaa Ku Tukaday Cawaale Stadium Galkacyo

Tuesday July 20, 2021 - 15:23:56
0 Comments
362
Galkacyo


Dad aad u badan ayaa maanta Salaada Ciida Ku tukaday Garoonka kubada Cagta ee magaalada Galkacyo, dadkaasi ayaa ka kala yimid Xaafadaha kala duwan ee magaalada Galkacyo.


Waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka mudug Cabdi ladiif (sanyare) oo Ku dheeraday ka hadalka Amaanka Gobolka iyo La dagaalanka Al-Shabaab.


Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah waxgaradka gobolka oo iyaguna ka shekeeyay dhibaatada Telephonada Casriga ay Ku hayaan Ardayda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.


Ugu danbeeytii Shacabka Ku dhaqan magaalada Galkacyo oo La hadlay Meeraysane.com Munaasabada Ciidul Adxaa Awgeed ayaa farxad iyo Rayn-rayn muujiyay, iyagoona Alle ka baryay in Ciidaan Ciideeda Farxad ay Ku garaan insha,Allah.




Axmed max'ed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment