45- Rakaab Ah Oo Ka Bad-baaday Shil Diyaaradeed Degmada Ceel Waaq

Wednesday July 21, 2021 - 13:33:24
0 Comments
280
Ceel-waaq

Diyaarad nooceedu yahay 5Y-GRS oo ka duushay Magaalada Nairobi dalka Kenya, taas oo siday passenger's ama Dad fara badan oo Rayid ah ayaa Ku dhacday Degmada Ceel waaq.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Ceel-waaq oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in Diyaaradu ka baxday dhabaha diyaaradahu Ku degaan ee Garoonkaas kadib markii taayaradu u bixi waayeen.

Majirin wax khasaaro ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa diyaaradaas oo gaarayay 45-ruux sida la soo warinaayo, inkasta oo khasaare uu soo gaaray diyaarada.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment