Gudiga Dib U Heshisiinta G/ Gedo Oo Warbixino Gudoonsiiyay R/Wasaaraha Dalka

Wednesday July 21, 2021 - 21:00:32
0 Comments
423
Muqdisho

    
Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u soo gudbiyay Warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta Gobolka Gedo.

Afhayeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu Oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in R/Wasaare Rooble uu guddiga uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixiyeen waajibaadkii loo igmaday.


Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, iyagoona Safaradooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment