Madaxweynaha Puntland Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Garoowe

Thursday July 22, 2021 - 13:44:19
0 Comments
286
Garoowe

Waxaa maanta Magaalada Garoowe Dib ugu Soo laabtay Hogaamiyaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka soo duulay dalka kenya magaalada Nairobi .


Madaxweyne Deni ayaa soo dhowayn horay loo sii qorsheeyay loogu sameeyay garoonka diyaaradaha maxamed Abshir ee Garoowe, iyadoo la xanibay dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe.


Mudane Siciid C/laahi Deni ayaa ku dhowaad ah safar bil qaatay oo la xiriira ololaha doorashada Soomaaliya ugu maqnaa dalalka Imaaraadka Carabta iyo kenya.


Kulan gooni ah ayuu Madaxweynaha la yeelan doona Guddoonka Baarlamanka, si loo dhammaystiro heshiis hordhac oo ay labada dhinac ka gaareen Qalaase siyaasadeed oo u dhexeeya labada masuul.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment