R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Oo Xilka Ka Qaaday Laba Masuul

Friday July 23, 2021 - 20:59:24
0 Comments
300
Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda kuwaasi oo jabiyay amar uu dhawaan soo saaray Rooble.  


Ra’iisul Wasaaraha dowlada federalka Somaaliya Mudane maxamed xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday labo mas’uul oo kala ah Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde C/wahaab Sh Cali, kuwaasi oo jabiyay amarkii R/wasaaraha oo ahaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed aan laga xanibin in ay ka duulaan garoonka Aadan Cadde.  


Horay waxaa u jirtay digiin uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta u jeediyay Saraakiishan xilka laga qaaday oo la sheegay in ay tiro dhowr jeer ah safar ka joojiyeen mas’uuliyiin iyo dad kale oo shacab ah.  


Tallaabadaan uu qaaday R/Wasaare Rooble ay kusoo beegmaysa kadib markii maanta Safar laga Celiyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, kaasi oo loo diiday in uu ka dduullo Gegida diyaaradaha Muqdisho.

Sida Uu Warbaahinta u Xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumada federalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu

 Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment