Maxkamada Garoowe Oo Xukun Ku Riday Dad ka Ganacsan Jirtay Khamriga

Sunday July 25, 2021 - 11:43:35
0 Comments
292
Garoowe

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa xukun Ku riday Rag ka kooban 9-ruux kuwaasi oo lagu helay in ay khamriga ka ganacsan jireen soona gelin jireen degaanada Puntland.

Police-ka Gobolka Nugaal ayaa ragaan ku soo qab-qabtay hawlgal ay ka sameeyeen tuulada Magacley, oo ka tirsan deg/Burtinle ee Gobolka Nugaal soda warbaahinta loo sheegay.

Kooxdaan oo ka kooban 9-ayaa lagu xukumay min lix sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $1000-Dollar, sida war maxkamada kasoo baxay lagu cadeeyay.

Dhinaca kale maxkamada derajada koowaad ee magaalada garoowe ayaa wax denbi ah ku wayday Edeysane kooxdaas kamid ahaa kaas oo xoriyadiisa dib u helay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment