Dhismaha Afar Wado Oo Laga Dhagax Dhigay Magaalada Galkacyo (SAWIRO)

Monday July 26, 2021 - 15:36:27
0 Comments
286
Galkacyo

Shirkada kebarco oo ah shirkad qaabilsan dhismaha wadooyinka iyo garoomada Puntland ayaa dhagax-dhigtay dhismaha afar wadooyin gudaha magaalada Galkacyo.

 
 
Dhismaha wadooyinkaas ayaa waxaa iska kaashanaya Shirkada wadooyinka KEBARCO iyo Ganacsatada Magaalada Galkacyo
 

Gudoomiye kuxigeenka degamada Galkacyo Shaafici Cabdulaahi ayaa si rasmi ah u daah-furay dhismaha wadooyinkaas, iyadoo loo wakiishay dhismaha shirkada  wadaiga ah ee Kebarco, waxaayna kala yihiin sidan.
1-Wadada sheel-------------ilaa bakhaarka iwaydii
 
2-Wadada Cirtoogte------ilaa bakhaarada xalwada
 
3-Wadada firshada------ilaa bakhaarada xalwada
 

4-Wadada Guryasamo Hospital---ilaa Amal Bank

Nasteex Barre

Meeraysane.com

Galkacyo


 

Related Items


Leave a comment