Taliska Ciidanka Police-ka Somaaliyeed Oo Xil Ka Qaadis & Magacaabis Sameeyay

Friday July 30, 2021 - 14:30:09
0 Comments
338
Jowhar

Taliska Ciidanka police-ka Soomaaliyeed ayaa Xilkii Saldhiga Booliska degmada jowhar ka qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex, islamarkaasna taliye Cusub loo Magacaabay saldhigaas.


Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye C/xasan max'ed Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeellle loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy isagoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka polic-ka.


Wareegtada ayaa Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka polic-ka maamulka Hir-Shabeelle waxaa lagu Amray inay la socdaan xilka qaadista & magacaabista taliyeyaasha, iyagoona wada Shaqeeyn la Samaynaya Taliyaha Cusub.


Ciidamada Poliska Somaaliyeed ayaa inta badan waxaa ay ka shaqeeyaan guud ahaan dalka iyagoo u taagan bad-baadinta dadka iyo dalka islamarkaasna ku shaqeeya daruufo adag .

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment