Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Kenya

Sunday August 08, 2021 - 13:43:03
0 Comments
323
Muqdisho
  
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, haweneeyda Raychelle Omamo.

Arintaan ayaa timid kadib markii ay maanta soo gaartay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle , iyada iyo wafdi ay hoggaaminaysay, si looga wada hadlo qaababka iyo siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga wadajirka ah ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Labada wasiir waxay yeesheen wada hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed, kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment