Madaxweynaha Puntland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Wasiir Kuxigeenka Howlaha Guud Iyo Gadiidka Puntland

Monday August 09, 2021 - 13:27:48
0 Comments
270
Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiir ku xigeenkii Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntld Asad Xuseen Xaashi oo saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyeeyay dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida ku timid marxuumka oo maalmihii u dambeeyay xanuunka COVID-19 u jiifay.

"Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.”

Marxuumka oo sadexdii Cisho ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Garoowe, sida la xaqiijiyay isagoo u dhintay xanuunka COVID-19.

Saaka ayuu ku geeriyoodey Cusbitaalkii lagu daweynaayay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment