R/Wasaaraha Dowlada Federalka Oo Safar Ugu Baxay Caasimadda Dalka Kenya

Tuesday August 10, 2021 - 11:39:54
0 Comments
468
Nasteeh Bare
Muqdisho.

Ra'iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa safar ugu amba baxo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kadib casuumaad uu ka helaya madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyata.

Safaaradii Kenya ay ku lahayd somalia ayaa albaabada loo furay waxaana la soo celiyey xiriirkii Kenya iyo Somalia iyadoo madaxweynaha Somalia Horey xariga ugu jaray dalka Kenya kadib markii uu ku eedeeyey inay ku xadgudubtey qaranimada Somalia

Haatan Raysalwasaaraha ayaa lagu wadaa inuu soo saxeexo heshiiska xiriirka labada wadan ah

 Kala aragti duwanaansho ayaa jirta oo ay dadka qaarkood qabaan in arintan qayb ka tahay gardaradii bada ee kenya halka qaar kalena ay qabaan in xaalada amaanka iyo ganacsiga safarada muhiim u tahay in labada wadan ka wada hadlaan

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo khilaafka isaga iyo madaxweyne farmajo aan Weli wax xal ah laga gaarin sida la tilmaamay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment