Faroole oo markale Loo doortay aqalka sare

Wednesday August 11, 2021 - 11:47:56
0 Comments
239
Nasteeh Bare
Garowe: Abdirahmaan Maxamed Maxamuud Farool Madaxwaynihii hore ee Puntland ayaa mar kale loo doortay Xubin katirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya asagoo Helay 54 Cod.

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaa-gaab, Farxaan Cali Xuseen iyo Maxamed Cabdi Cismaan ayaa ku soo baxay Doorashada ka socota Garoowe, ee kuraasta Aqalka Sare.

Dhammaan xubnihii la tartamayay ayaa u tanaasulay masuulyiintaan, waxaana ay ku soo baxeen tartan fudud marka Faroole Laga reebo

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa haatan ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, waxana Golaha wakiilada Puntland ay dooranayaan maanta 11-ka kursi oo Puntland ku leedahaya Aqalka sare.

Nasteh Barre Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment