Dowlada Hoose Galkacyo Oo Rartay Dadka Ku Ganacsada Hareeraha Wada Laamiga Ah SAWIRO

Wednesday August 11, 2021 - 13:36:35
0 Comments
448
Galkacyo

Dowlada hoose magaalada galkacyo ayaa maalmahaan waday inay ganacsada waratada ah kiciso daafaha wada weeyn ee gudaha magaalada Galkacyo, si naftooda & Maalkooda loo dhowro.

Arintaan ayaa ka danbeeysay markii amaro fara badan oo dowlada hoose siisay gacasatada Ku shaqaysata daafaha laamiga ay ka dhega adeegeen.

Qaar kamid ah Askarta mini shiibiyada oo aan la hadlay Meeraysane.com ayaa tilmaamay inay dadkaan diidan yihiin Suuqyadii dowlada hoose u asteeysay gaar,ahaan Hoolal Ku yaalla Ex Xero Dayax ee magaalada galkacyo.
 
Dhinaca kale dad ganacsatada kamid ah oo magacooda ka gaabsaday ayaa tilmaamay hadii ay tagaan meelaha loogu tala-galay aysan helayn cid wax ka iibsata lakiin iima masheegin sababta ka danbeeysa.

Isku Soo Duu duub-dowlada hoose ee Magaalada Galkacyo ayaa wada dadaalo lagu Hagaajinayo bilicda Magaalada Galkacyo.

Axmed Maxamed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo






Related Items


Leave a comment