Police-ka Degmada Burtinle Oo Qabtay Khamri Iyo Kooxdii Waday

Thursday August 12, 2021 - 12:34:23
0 Comments
311
Burtinle

Ciidamada police-ka degmada Buurtinle ee G/ Nugaal ayaa shaaciyay in ay qabteen qamri gaaraya 570 dhalo oo khamri ah, kadib baaritaano ay ka sameen degmadaas.

Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad ayaa tilmaamay in khamrigaas lagu qabtay tuulada Maygaagle oo hoos timaada deg/burtinle iyadoo xiga dhinaca xadka Itoobiya.

Taliska degmada burtinle ayaa intaasi Ku daray in gacanta lagu dhigay afar nin oo wadatay khamriga, kuwaasi oo tacshiirad kala hortagay police-ka islamarkaasna mid kamid ah raggaas uu dhaawac ka gaaray sida uu Meeraysane.com u xaqiijiyay wariye Guuleed ajeey.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment