Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Saturday August 14, 2021 - 13:14:57
0 Comments
267
Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
 
Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hadda hayay.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.nna uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment