R/Wasaaraha Somaaliya Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Hay'ada UNHCR Ee Somaaliya

Sunday August 15, 2021 - 18:21:15
0 Comments
245
Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisee oo ay ka wada hadleen caawinta Qoxootiga  Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabanaya.

Wasiirka Koowaad ayaa u sheegay sidii xal waara loogu heli lahaa dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo caawinta qoxootiga shisheeye ee dalka ku sugan.

Arintaan ayaa muhiim u ah kumanaan qaxooti ah Oo Ku sugan gudaha dalka kuwaasi oo kasoo kala jeeda wadamada suuriya, yaman iyo Ethiopia .

Sidoo kale waxaa jira boqolaal soomaali ah oo Ku barakacay gudaha dalka kuwaasi oo u baahan gar,gaar biniaadantimo.


Related Items


Leave a comment