Maamulada Galmudug & Puntland Oo Isku Celiyay Geelal La Kala Dhacay

Monday August 16, 2021 - 14:36:19
0 Comments
266
Galkacyo

Waxaa degaanka godad ee duleedka magaalada galkacyoyo lagu kala wareejiyay 13 Neef oo geel ah oo ay Kala haysteen dad xoolo dhaqato ah kuwaas oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Munaasabadii kala wareejinta Geela ayaa waxaa joogay madax ka kala tirsan puntland & Galmudug, sida Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobalada Mudug iyo Cayn Taliye kuxigeenka Qeybta Police-ka Gobalka Mudug.

Sidoo kale Waxaa joogay Maamulada labada degmo sida Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland iyo dhigiisa degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo sarakiil kale.

Madaxdii ka socotay maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay nabada iyo wada noolaanta dadka Gobalka Mudug, iyagoona dadka Reer miyiga ugu baaqay in ay nabada Ka shaqeeyaan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment